Rooble oo ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Somalia

Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay magacaabista Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee uu goor dhaweyd magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Qoraal uu soo saaray Maxamed Rooble ayaa waxaa uu ugu hambalyeeyay Xamse Cabdi Barre oo loo magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, kaasi oo bedelaya Ra’iisul Wasaarihii isaga ka horreeyay ee xilgaarsiinta ahaa Rooble.

“Waxaan hambalyo u dirayaa Mudane Xamse Cabdi Barre, oo Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheikh Maxamuud maanta u magacaabay in uu noqdo Ra’iisul Wasaaraha 21aad ee JFS” ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul Wasaarihii Xukuumadda xilgaarsiinta aheyd ee Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaaraha cusub u rajeeyay guul, wuxuuna Qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay  “Waxaan Ra’iisul Wasaaraha magacaaban u rajeynayaa guul”.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goor dhaweyd Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya u magacaabay Xamse Cabdi Barre oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Xamse ayaa hore u soo noqday Xoghayihii xisbiga Madaxweynaha ee UPD sanadihii u dhexeeyay 2011-2017, wuxuu sidoo kale soo noqday la taliyaha wasaaradda arrimaha Dastuurka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor