Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta kulan la qaatay Guddoonka Guddiga doorashooyinka heer Federaal ee FEIT iyo Xoghayeyaasha guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BFS.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Guddiga doorashada iyo Xoghayeyaasha labada Aqal kala hadlay qorshaha shahaaddo siinta iyo dhaarinta Xildhibaannada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka, si waafaqsan Jadwalkii guddiga FEIT horay u soo saaray.
Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka heer Federaal Muuse Geelle ayaa sheegay inay Go’an tahay hirgelinta Jadwalka dhaarinta Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana Guddiga ay wadaan diyaar garoowga arrintaas.
Shalay ayey aheyd marii RW Rooble iyo Xog-hayeyaasha Guud ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux iyo Cali Maxamed Jaamac ay kala qaateen warbixin ku saabsan u diyaar garowga dhaarinta xildhibaannada Labada Aqal, si waafaqsan jadwalkii uu soo saaray Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ee FEIT.
Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa mareysa heer gebogebo ah, waxaana lagu wadaa in dhawaan ay mudaneyaasha labada aqal soo wada gaaraan Muqdisho, si loo siiyo shahaaddooyinka rasmiga ah, loona dhaariyo, ka dibna loo doorto guddoonnada labada aqal.
Guddiga Doorashooyinka Heer Federaal ayaa 14-ka April u asteeyay in lagu soo gebogebeeyo doorashada labada aqal iyo guddoonkooda, si loogu gudbo doorashada madaxweynaha dalka.