Rooble oo booqday Askarta ku dhaawacantay weeraradii Awdheegle iyo Bariire

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Isbitaalka Xoogga booqday askarta CXD ee ku soo dhaawacantay weerarkii maalmo kahor Al-shabaab ay ku qaadeen Saldhiyada Awdheeglle iyo Bariire.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo warbixin ku saabsan xaaladda dhaawacyda askarta ka dhageystay saraakiisha Isbitaalka, ayaa sidoo kale askarta dhaawaca ah ka wareystay xaaladdooda, una rajeeyay caafimaad deg deg ah.

Rooble ayaa askarta uga mahadceliyay difaaca dalka iyo la dagaalanka Al-shabaab, waxaana uu u ballan qaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya u heellan tahay daryeelkooda.

Qaar ka mid ah askarta u soo dhaawacantay difaaca Qaranka ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga mahadceliyay booqashadiisa, iyagoo  tilmaamay in ay diyaar u yihiin isla marka ay bogsoodaan in ay dib ugu laabtaan furimaha dagaalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa la keenay Askartii kusoo dhaawacantay weerarkii xooganaa ee Al-shabaab ku qaadeen Saldhiyada Ciidamada ee Awdheeglle iyo Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose, waxaaana weerarka ka dhashay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah, iyadoona Al-shabaab iyo Dowladda ay guulo ka sheegteen weerarka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor