Roobab xoogan oo ka Da’ay qeybo kamid ah Gobolada dalka

Wararka naga soo gaaraya Magaalooyin ka tirsan Gobolada dhexe ee dalka ayaa waxa ayaa sheegayaan in halkaasi uu ka curtay Roobkii Guga,kaasi oo watay daadad xoogan.

Magaalooyinka Guriceel, Matabaan, Baladweyne iyo Balanbal ayaa waxaa saacadihii la soo dhaafay aad uga da’ayay roobab ay ku diirsadeen dadka iyo duunyada,waxaana meelaha qaar ka jiray abaaro.

Sidoo kale Roobab ayaa ka da’ay baadiyaha deegaano kale oo ka tirsan Gobolada dhexe dalka,isla markaana waxaa lagu soo waramayaa in dhulka uu biyo badan dhigay.

Dhinaca kale waxaa Go’day Buundada deegaanka Ceel-gaal oo muhiim u aheyd isku socoda dadka iyo gaadiida deegaankaas,waxaana jaray roobabkii halkaasi ka Da’ay.

Dadka deegaanka oo la hadlay Dalsan ayaa u sheegay in Maanta uu hakad ku jiro isku socodka gaadiidkii isaga kala gooshi jiray Goboladda Hiiraan iyo Galgaduud.

Wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in weli laga cabsi qabo in roobab kale halkaasi ay Da’aan,maadaama cirka ay buuxdo daruurta roobka oo aad u badan.

 

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media