Roobab xoogan oo dad ku dilay gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya deegaanka Gandarshe ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan hal ruux ay ku geeriyootay 5 kalena ay ku dhaawacmen kadib markii uu guri ku soo dumay.

Dadka deegaanka ayaa u gurmaday dadkasi oo hal qoys ahaa sida wararka ay sheegayan.

Qofka geeriyooday waa hooyada reerka uu guri ku dumay,halka dhawaacyadana loo soo gudbiyay magaalada Muqdisho.

Roobab xoogan ayaa tan iyo xalay ka da’ayay magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah gobolada dalka.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor