Roobab khasaare xoogan geystay oo ka da’ay Bangaladesh & Kumannaan qof oo la la’yahay

Malaayiin ruux ayuu saameeyay Roob daad wata oo saacadihii la soo dhaafay ka da’ay qeybo kamid ah dalka Bangaladesh, sida ay sheegeen saraakiisha Gargaarka deg dega ah.

Daadadka ayaa sii xoogeystay ka dib markii biyo badan ay ka yimaadeen Buuraha xuduudka Bangaladesh ay la wadaagto wadanka Hindiya.

Dhammaan adeegyada Bulshada ayaa istaagay sida Korontada, Gaaska, waxaana dadka ku dhaqan goobaha ay uu roobku ka da’ay soo wajahay dhibaatooyin dhinacyada, Cuntada, Biyaha iyo Nadaafadda.

Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maareynta Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Bangaladesh, Md. Enamur Rahman oo shir jara’id qabtay Sabtidii ayaa sheegay in ilaa 10 degmo dadka Roobka ay saameyn xoog leh u geysteen.

Wasiirka oo cabirayay saameynta daadadka ayaa sheegay in taariikhda Bangaladesh 100 sano ee la soo dhaafay aysan la kulmin roob dhibaatada intaasi le’eg geysta.

In ka badan 5 milyan oo qof oo ku nool degmooyinkaas ayay saamaysay iyadoo kumannaan qof ay weli ku go’doonsan yihiin, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor