Digniuin dhinaca Saadaasha Roobka ayaa lagu shaaciyey inay qeybo ka mid ah dalalka Somalia iyo Yemen ku soo wajahan yihiin Roobab Duufaan wata oo khasaare nololeed iyo hanta dhalain kara.
Sida lagu soo daabacay Shabakadda Wararka ee ReliefWeb waxaa laga digay in Roobab wata Duufaan ku soo wajahan yihiin Xeebaha Bariga Somalia iyo Gacan-biyoodka Cadmeed ee u dhexeeysa Somalia iyo Yemen.
Roobkaasi oo la filan karo 24-ka saacadood ee soo socota ayaa laga digay inay roobabkii ugu cuslaa ee ka da’a Bariga Somalia iyo Koonfurta Yemeen.
Daadadka Roobabkaasi iyo Fatahaadda Webiyadda ku yaalla MAandiqadda waxay horseedi karaan inay dad iyo xoolo ku le’daan, isla markaana ay ku baaba’aan Saraca Beeraha, Dhismayaasha iyo Hantida Dadka.
Dhinaca kale, Digniuinta Saadaasha Roobka Waxaa lagu sheegay inay khatar hoose ka dhalan karaan roobab la filayo inay dalka Jabuuti ka da’aan dabayaaqadda Toddobaadkan.