Reysal’wasaaraha soomaaliya Cumar Cabbdirashid Cali Sharma’arke, oo wareysi siiyay idaacadda VOA, ayaa sheegay in soomaaliya aaneey ubaahneen gar gar balse ay ubaahantahay Maalgashi.
“ Dowladda soomaaliya waxaa ay diyaarineysaa Qorshe hormarin oo dib loogu dhisaayo soomaaliya Mustaqbalka†ayuu yiri.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay soo diyaariyeen balse QM ay caawimaad ka geysaneyso waxaa uu hadlkiisa uu siiraaciyay in somaliya diyaar u aheen Zako balse ay diyaar u tahay maalgalin toos ah.
Hadii Caalamku uu nasiiyo fursad iyo Maalgalin waxaan hubnaa in dhaqaalaheena uu hogaamin doono bariga Africa, waxaa iminka aan kazoo kabsaneynaa qalalaaso xoogan mudo 25 sano ku dhow dalka waxaa ka biloowday dib udhis, ayuu ku sheegay wareysigiisa.
Reysal’wasaaraha soomaaliya Omar Abdirashid Ali Sharmarke, oo ka hadlayay go’aankii dhawaan Reysal’wasaaraha dalka Ingiriiska David Cameron uu ku sheegay in ciidamo ka socda dalkiisa loodiraayo soomaaliya si ay ujabiyaan Al Shabab, ayuu ku sheegay in ciidamo loosoo diro soomaaliya in mudo dheer aaney xal unoqoneeyn soomaaliya.