Rayid iyo Ciidamo lagu dilay iska horimaad ka dhacay Khartuum

Ugu yaraan 4 qof oo rayid ah iyo Gaashaanle ka tirsan Milliteriga ayaa lagu dilay Iska horimaadkaasi oo dhacay saacado kadib, markii ay Golaha Milliteriga ee maamula Talada dalkaasi iyo Hoggaamiyayaasha Dibadbaxayaasha heshiis ka gaareen Nidaamka Kala-guurka.

Kooxo hubeysan ayaa la sheegay inay weerareen Ciiddan iyo Dibadbaxayaal  ku sugnaa duleedka Xarumaha Dhexe ee Taliska Milliteriga ee magaalladda Khartuum.

Telefishinka Dowladda Suudaan waxay sheegeen in iska horimaadkaasi lagu dilay 5 qof, laguna dhaawacay 15-kale o oqaarkooda ay xaalladooda aad u liidato.

Dhinaca kale, Golaha Milliteriga ee haya Talada dalkaasi ee TMC iyo Isbahaysiga Xorriyadda iyo Isbedel-doonka ayaa la filayaainay maanta Kulan ka yeeshaan Awood-qeybsiga Milliteriga iyo Rayidka iyo muddada Xilliga Kala-guurka ee Doorashooyinka ka hor.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media