Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Pakistan oo laga mamnuucay inuu dalkaasi ka dhoofo.

 

Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Yuusuf Raza Jilaani ayaa la sheegay in laga mamnuucay inuu dibedda u safro,waxaana uu wajahi doonaa Dacwad la xiriira fal musuq oo malaayiin Dollar ah, sida ay sheegeen Warbaahinta gudaha ee Pakistan.

Yuusuf Raza Jilaani oo xilka Ra’isul-wasaarenimo hayey sannadihii 2008-dii ilaa 2012-kii waxaa xalay laga hor joogsaday socdaal uu ugu ambabixi lahaa dalka Koonfurta Kuurya.

Telefishinka Geo News  ayaa baahiyey inay Ciiddanka Ammaanka Garoonka Diyaaradaha ee magaalladda Lahoor xayireen Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi oo qorsheynayey inuu u dhoofo dalka Koonfurta Kuurya, si uu uga qeyb galo Shirweyne ka furmi doona caasimadda dalkaasi ee Siyool.

Magaca Yuusuf Raza Jilaani ayaa la sheegay in lagu qoray Liiska Siyaasiyiinta aan ka dhoofi karin dalka Pakistan, taasi oo micnaheedu yahay inuusan dibedda u dhoofi karin  isagoo aan Dowladda Pakistan ka haysanin Fasax.

Garsoore ka tirsan Maxkamadda Federalka ee La-dagaalanka Musuqa ee magaalladda Karaaji waxay sannadkii hore ku eedeysay Yuusuf Raza Jilaani iyo 25 Sraaakiil Dowladed inay ku takri-faleen Awoodda iyo inay ansixiyeen Taageero Maaliyadeed oo la been abuuray.

Yuusuf Raza Jilaani oo haatan ah Ku-xigeenka Guddoomiyaha Xisbiga Mucaardak Pakistan ee The Pakistan People Party (PPP) waxa uu horey u soo qabtay Xilka Afhayeenka Aqalka Hoose ee dalkaasi muddadii u dhexeysay sannadihii 1993-dii ilaa 1996-dii.

Waxa kale oo uu dhowr jeer soo noqday Wasiir Heer Federal.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media