Ra’isul-wasaarihii hore ee dalka Malaysia oo loo xiray xatooyo Maaliyadeed.

Warbaahinta Dowladda dalkaasi ayaa maanta shaacisay in Najiib Razaaq lagu xiray magaalladda Kuwaala Lambuur, isagoo lagu eedeynayo inuu lunsaday dhan 1 million oo Lacagta dalkaasi, oo u dhiganta USD 11.73 billion) oo Dollar.

Qareenka Qoyska Najoob Razaaq oo maanta la hadlay Telefishinka Channel News Asia waxa uu sheegay in Ra’isul-wasaarihii hore berri lagu soo oogi doono kaalintii uu ku lahaa Lacagtii Maalgelinta ee uu lunsaday.

Dhinaca kale, Hay’adda Ka-hortagga Musuqa ee dalkaasi waxay su’aalo weydiisay Riza Casiis oo ehel la ah Ra’isul-wasaaraha, isla markaana ah  Filim Soo-saare ka tirsan Shirkadda Aflaantasameysa ee  Hollywood ee laga leeyahay dalka Maraykanka.

Baarayaasha Maraykanka waxay sheegeen inuu Riza Casiis lacagta la dhacay uu ku maalgeliyey Filimo ay Shirkadda Hollywood soo saartay.

 

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media