Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia oo ka hadlay Go’aankii Alshabaab ku mamnuuceen Bacaha.

Ra’isul-wasaarihii hore ee dalkaasi, Tony Abbot waxa uu shalay shaaciyey Rabitaankiisa ku aadan Weerar cusub oo lagu qaado Dagaalamayaasha Alshabaab.

Waxa uu intaasi ku daray in Xillgii uu ahaa Ra’isul-wasaaraha doonayey inuu Tallaabo Milliteri ku burburiyo Alshabaab, si ay dadka Soomaaliyeed ugu noolaadaan Nabad, waa sida uu hadalka u dhigay.

Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot oo xilkaasi hayey sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii waxa uu tilmaamay inuu dib uga laabtay go’aankaasi, kadib, markii uu garwaaqsaday inaysan Australia ka qeyb gelinHawlgalladda lagula dagaalamayo Xarakadda Alshabaab.

Tony Abbot waxa kale uu ka hadlay Go’aankii ay Alshabaab dhawaan ku mamnuuceen Isticmaalka Bacaha oo khatar u ah dadka iyo xoolaha, wuxuuna xusay  inuu rajo-laawe noqonayo, haddii uu Talo lagu badbaadinayo Caalamka ka qaato dad noocaas oo kale, waa sida uu hadalka u dhigay.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaarihii hore ee Australia, Tony Abbot waxa uu isagu horey u soo jeediyey in bacaha laga mamnuuco magaalladda Woolworths ee dalka Australia, balse waxa uu haatan ka soo horjeestay Aragtidaasi. inkastoo Go’aankaasi maanta ka ka dhaqan galayo   Woolworths.

In ka badan 3.9 billion oo bacaha lagu adeegto ayaa la sheegay in sannad kasta laga isticmaalo dalkaasi,

Xigasho: http://thebigsmoke.com.au

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media