Ra’isul-wasaarihii dalka Masar oo is-casilay.

Warbaahinta Dowladda Masar ayaa sheegtay inuu Ra’isul-wasaare Ismaaciil Shariif uu Warqaaihiisa Is-casilaadda uu u gudbiyey Madaxweyne C/fataax Al-sisi.

Afhayeenka Xafiiska Madaxtooyadda ee dalkaasi, Basaaam Radi ayaa xaqiijiyey Is-casilaada Ra’isul-wasare Ismaaciil Shariif oo 62 jir ah, kaasi  uu Xilkaasi hayey tan iyo bishii September ee sannadkii 2015-kii.

Tallaabadaasi ayaa lagu sheegay inay tahay Dhaqan Siyaasadeed inay Xukuumad kasta is-casisho marka uu Madaxweyne kasta xilli cusub bilaabayo.

Madaxweynaha Masar waxaa markii labaad Xilkaasi loo dhaariyey muddo hataan laga joogo 3 maalmood.

Dhinaca kale, Ra’isul-wasaaraha is-casilay waxa uu horey u ahaa Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka muddadii u dhexeysay sannadihii 2013-kii ilaa 2015-kii.

Ismaaciil Shariif waxa uu sababo caafimaad u aaday dalkaJarmalka bishii November sannadkii 2017-kii, wuxuuna dalka Masar dib ugu so olaabtay bishii Janaayo ee sannadkan.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media