HomeWararRa’isul-wasaare Omar C/rashiid oo Dowladda Raashiya ka hadlay Kobcinta Dhaqaalaha iyo Qalabaynta...

Ra’isul-wasaare Omar C/rashiid oo Dowladda Raashiya ka hadlay Kobcinta Dhaqaalaha iyo Qalabaynta Ciiddanka.

Date:

Related stories

Haweenka Suxufiyiinta Soomaaliya oo Weerarro Wajahaya

Suxufiyiin Soomaaliyeed oo Xarig iyo Jirdil Ka Cabanaya

SSUP oo Shir Siyaasadeed uga Qaybgalay Urdun

Xisbiga SSUP ee Soomaaliya oo ka qaybgalay shir siyaasadeed...

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavrov ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay garwaaqsadaan Codsi ka soo gaaray Dowladda Federalka Somalia, si loo hubeeyo Ciiddanka Ammaanka ee dagaalka kula jira waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda. Wasiirka ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu maanta la kulmay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Raashiya, Sergei Lavrov ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay garwaaqsadaan Codsi ka soo gaaray Dowladda Federalka Somalia, si loo hubeeyo Ciiddanka Ammaanka ee dagaalka kula jira waxa uu ugu yeeray Kooxaha Argagixisadda.

Wasiirka ayaa hadalkaasi jeediyey, kadib, markii uu maanta la kulmay Ra’isul-wasaaraha Xukuumadda Federalka, Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda dalka Raashiya ee Mosko.

- Advertisement -

Sergei Lavrov  waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Federalka iska kaashan doonaan Iskaashiga dhinaca Milliteriga.
“Waxaan ogahay inta aad ku guda-jirtay booqashadda aad ku joogtid Raashiya  inaad doonayso in laga wada hadlo sidii loo qalabayn lahaa Ciiddanka Ammaanka Somalia, taasi oo lama huraan u ah La-dagaalanka Argagixisadda” ayuu yiri Wasiirka Arrimaha Dibedda Raashiya.

Wasiir Sergei Lavrov waxa uu intaasi ku daray inay Dowladda Raashiya diyaar u tahay inay ka baaraan degayaan codsiga Dowladda Federalka, oo uu xusay inuu waafaqsan yahay Danaha Beesha Caalamka iyo Go’aanadda Golaha Ammaanka ee QM.

SERGEI LAVROV AND SOMALI PMDhinaca kale, Ra’isul-wasaare Sharmaarke oo ka hadlay Qaabilaadaasi ayaa sheegay inay jeclaan lahaayeen inay Dowladda Raashiya taageero ka geystaan Horumarinta Dhaqaalaha Somalia iyo Xoojinta Awoodda Ciiddanka Qaranka Somalia.

- Advertisement -

“Taageeradda Hawlgalladda Nabad-ilaalinta waxa uu ka mid yahay arrimaha suurtogalka ee lagu xoojinayo Ciiddanka Somalia. Waxaa muhiimad sare inoo leh inaan xoojinayo Hay’addaha Sharciga si loola dagaalamo Argagixisadda” ayuu yiri Ra’isul-wasaaraha oo intaasi ku daray inay Dowladda Raashiya ka codsanayo Taageeradaas oo kale.

Ra’iusl-wasaaraha waxa kale oo uu sheegay inay rajeynayaan inay Dowladaha Somalia iyo Raashiya yeeshaan xiriir aad u dhow iyo in la horumariyo Dhaqaalaha iyo Ammaanka Somalia.

Xigasho: Spuntiknews.com

©Radio Dalsan

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts