Ra’isul-wasaaraha oo ka tacsideeyey geeridii Jeneral Goobaanle.

Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmarke ayaa cambaareeyey weearkii shalay lagu dilay Taliyihii Guutada saddexaad ee ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Jen, Maxamed Rooble Jimcaale oo loo yaqaanay Goobaale.

pixRa’isul-wasaaraha waxa uu Tacsi u direy qoyskii uu ka baxay Marxuumka iyo guud ahaan Ciidamadda Xoogga dalka oo ka tirsanaa Marxuumku.

Ra’iisul Wasaaraha waxa uu MARXUUMKA ku tilmaamay Halyey Qaran oo kaalin adag ku baneeyey ILLAAHAY-NA waxa uu MARXUUMKA uga baryayaa inuu naxariistii Janno ka waraabiyo, Ciidamada Xoogga , Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo. In-Naa Lillaahi Wa In-Naa Ilayhi Raajicuun.”

 ©Radio Dalsan

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor