Raila Odinga oo Gaari oo kartoonno Waraaqo ah sida la tagay Maxkamadda Dalka kenya

Siyaasiga dalka Kenya, Raila Odinga, ayaa kartoonno waraaqo ah ku watay gaari xamuul ah, xilli uu gudbinayay dacwad ka dhan ah natiijadii doorashada madaxtinimada.

Wargeys maxalli ah ayaa bartiisa Twitter-ka soo dhigay sawirka gaariga xamuulka ah oo soo gaaray dhismaha maxkamadda.

Odinga ayaa aaday maxakamadda isaga oo diiday guusha Madaxweynihi Hore Willian Ruto uu ka gaaray doorashadi dhacday 9-kii August isaga oo helay 50.55 halka Odinga uu helay 48.8%.

Kiiska Mr Odinga ayaa waxaa sii xoojinaya in afar ka mid ah todobada xubnood ee doorashada – oo ay ku jirto guddoomiye ku xigeenka Juliana Cherera – ay qaadeen tallaabo aan caadi ahayn oo ay ku diideen natiijada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor