Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo geeriyooday

Waxaa Goordhow Isbitaal ku yaalla Magaalada Ankara ee dalka Turkiga ku geeriyooday Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd  ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

Marxuum Xasan Abshir ayaa waxaa la sheegay in mudooyinkii dambe uu ku xanuunsanayay Isbitaalka ku yaalla Turkiga, hayeeshee xanuunkii haayay uu daqiiqado kahor ugu geeriyooday halkaas.

Geerida Marxuum Xasan Abshir ayaa waxaa xaqiijiyay qaar kamid ah Eheladiisa iyo Mas’uuliyiin kale oo ku sugan Turkiga, iyagoo tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo Umadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuumka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd   ayaa waxaa uu kamid ahaa ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland, wuxuuna sidaas oo kale ka mid noqday golihii wasiiradda ee u horeeyey ee uu dhisay Madaxweynihii xiligaas ee Puntland Cabdullaahi Yuusuf.

Xalay aheyd markii uu Magaalada Nairobi ee Caasimadda dalka Kenya uu ku geeriyooday Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland, isla markaana kamid ahaa asaasayaashii dowlad Goboleedka Puntland.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media