Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan oo ka hadlay weerarkii lagu khaarijin rabay

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan Imran Khan ayaa khudbadiisii ​​ugu horeysay jeediyay tan iyo markii la toogtay xilli uu ka qeyb galayay isu soo bax ka dhacay magaalada Wazirabad ee bariga dalkaasi.

Isagoo ku fadhiya kursiga loogu talagalay dadka lixaadkooda kala dhiman yahay isbitaal ku yaal Lahore, Mr Khan ayaa wuxuu sheegay inuusan ka badbaadeen toogashada haddii labada qof ee weerarka fuliyay ay “si darandoori ah u ridi lahaayeen rasaasta” .

“Maadaama aan dhacay, mid ka mid ah kuwii toogashada geystay ayaa u maleynayay inaan dhintay, wuuna uu ka tagay goobta,” ayuu yiri.

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Pakistan, Imran Khan, ayaa ku eedeeyay madaxwaynaha imika xilka haya, Shehbaz Sharif, inuu ku lug lahaa shirqool la doonayay in lagu dilo.

Wasiirka arrimaha gudaha Rana Sanaullah iyo madaxa sirdoonka dalkaasi Faisal Named Naseera ayuu sidoo kale Mr Khan sheegay inay maleegeen shirqool isaga lagu dilayo.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor