Ra’iisul-wasaaraha dalka Bangladesh Sheikh Hasina ayaa is casishay kaddibna dalka isaga carartay, kaddib laba todobaad oo ay Bangladesh ka socdeen dibadbaxyo uu dhiig badan ku daatay oo looga soo horjeeday dowladda.
Mudaaharaadyada ayaa kaddib marki ay shacabka gaar ahaan dhalinyarada ka caroodeen, xeer dowladda kasoo baxay oo dhigayay in 30% shaqooyinka ka bannaan dowladda la siiyo, qoysaska iyo ehellada dadki ka qeybgalay dagaalki ay Bangladesh uga xorowday Pakistan ee dhacay sannadki 1971-ki.
Sheekh Xasina ayaa waxyar kaddib marki ay xilka ka dagtay u carartay dalka Hindiya, tallaabadaas oo soo gaba gabeysay xukunkeedii Bangladesh ee 15-ki sano ee lasoo dhaafay.