Ra’iisul Wasaare Xamse oo kulan la yeeshay dadka qaba baahiyaha gaarka ah

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Hamza Abdi Barre ayaa maanta la kulmay qaar kamid ah dadka qaba baahiyaha gaarka ah, kulanka ayaa daba socday, kulamaddii uu maalmahaan la lahaa bulshada qeybaheeda kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhageystay tallooyinka ay soo jeediyeen dadka qaba baahiyaha gaarka ah iyo arrimaha ay u baahan yihiin in dowladdu ay gacan ka siiso.

Dhankooda, dadka qaba baahiyaha gaarka ah, ayaa soo bandhigay arrimaha ay u baahan yihiin in wax looga qabto, iyagoo uga mahadceliyey Ra’iisul Wasaaraha mudnaanta uu siinayo dhageysiga bulshada qeybaheeda nugul.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa maalmahan wada latashiyadii ugu danbeeyay ee uu kusoo dhisayo Xukuumadda cusub ee dalka, waxaana uu maalmo kahor Golaha Shacabka ka codsday in waqti dheeraad ah loogu daro, si uu u soo magacaabo Golihiisa Wasiirada..

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor