Ra’iisul Wasaare Xamse Barre oo Maanta kusii jeeda Baladweyne iyo ujeedka safarkiisa

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa Maanta lagu wadaa inuu safarkii ugu horreeyay ee tan iyo markii la magacaabay ku aado Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ee Maamulka Hirshabeelle.

Ra’iisul Wasaare Xamse oo saacadaha soo socda ka ambabaxaya Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa safarka ku wehlin doona qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan labada Golle ee Baarlamaanka Federaalka.

Xamse Cabdi Barre ayaa ujeedka socdaakiisa waxaa lagu sheegay inuu yahay mid la xiriira u kuur gelida xaaladda ka jirta Gobolka Hiiraan ee dhinaca abaaraha iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-shabaab ee Gobolkaasi ka socda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Baladweyne waxaa uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo ku sugan Magaaladaas, iyagoo ka wada hadli doona arrimo kala duwan.

Sidoo kale Xamse Barre ayaa kulamo kale la yeelanaya Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ka xog wareysan doona xaaladda abaareed ee ka jirta Gobolka iyo arrimaha u baahan in si wax laga qabto oo muhiim u ah deegaanka.

Ammaanka guud ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa Maanta aad loo adkeeyay, Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa kusii jeeda Baladweyne ayaa loo xiray wadada maka Al-mukarama halkaas oo ay uga baxayaan Garoonka Aadan Cadde.

About Webmaster

View all posts by Webmaster