Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ka qeybgalay munaasabad si rasmi ah loogu daahfurayay Qorshaha Hiigsiga Qarni-jirka 2060-ka, oo ah aragti fog oo uu hindisay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Xasan Sheekh Maxamuud.
Qorshahan istiraatiijiga ah ayaa ka kooban 7 qorshe Qaran oo shan sanadood ah, kuwaas oo diiradda saaraya sidii Soomaaliya u noqon lahayd dal mideysan, ammaan ah, dhaqaale ahaan kobcaya, kana mid noqda waddamada dakhliga dhexe ee heerka sare, marka la gaaro sanadka 2060.
Munaasabadda daahfurka oo ka dhacday magaalada Muqdisho, ayaa daba socota dadaallada Xukuumadda ee ku wajahan qorsheynta fog ee horumarinta dalka.
Shirka oo socon doona muddo saddex cisho ah, waxaa sidoo kale ka qeybgalaya madaxda sare ee dalka oo ay ka mid yihiin wasiirro, xildhibaanno labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, wakiillo ka socda Beesha Caalamka, iyo marti-sharaf kale.