HomeWararRa’iisul Wasaare Sharmaarke oo dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Ra’iisul Wasaare Sharmaarke oo dalka dib ugu soo laabtay Muqdisho

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Turkiga iyo Greece, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda. Mudane Cumar ayaa magaalada Istanbul uga qayb galay shirka sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa dib ugu soo laabtay Muqdisho, kaddib markii uu safar ku tagay dalalka Turkiga iyo Greece, iyadoo garoonka diyaaradaha ay kusoo dhaweeyay xubno ka tirsan labada Gole ee Dawladda.

Mudane Cumar ayaa magaalada Istanbul uga qayb galay shirka sadexaad ee Madasha Iskaashiga Heerka Sare (HLPF), oo uu marti-geliyay Mudane Recep Tayyip ErdoÄŸan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga, waxana sidoo kale uu kulamo la qaatay madax sare oo ka tirsan dowladda Turkiga.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday, isla markaana ay ka soo baxeen qodobo muhiim ah oo waxtar u leh geeddi socodka doorashada sanaddan 2016 ka dhici doonta Soomaaliya iyo sidii horey loogu wadi lahaa taageerada uu Caalamku siiyo Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dalka Greece, isagoo la kulmay Madaxweynaha dalkaas Prokopis Pavlopoulos, waxana ay ka wada-hadleen arrimaha horumarinta iyo danaha ka dhexeeya labada Qaran. Iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray arrimaha la xiriira soo galootiga, gaar ahaan Soomaalida doonaya iney gaaraan qeybo ka mid ah dalalka Yurub, oo marin u yahay dalka Greece.

“Wadahadalladii laba-geedoodka ahaa ee na dhex-maray madaxda Greece waxaa lagu xoojinayay xiriirka labada dal, iyadoo sidoo kale laga wada arrinsaday dhinacyada horumarinta iyo meelaha ay naga taageeri karaan.”ayuu yiri R/Wasaare Sharmaarke.

- Advertisement -

RW1 RW4 RW3 RW5 RW6

—–DHAMMAAD—

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka 
Muqdisho, Somalia 
media.opm@gmail.com 
Twitter: @SomaliPM

 

 

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts