Ra’iisul Wasaare Rooble oo War kasoo saaray geeridii ku timid Madaxweynihii Imaaraadka

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa Shacabka iyo Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeeyay geerida ku timid Allaha u naxariistee Madaxweynihii Dowladda Imaaraadka Carabta Sheikh Khaliif Bin Zayid Ala Nahyaan oo maanta geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri“ Waxaan walaaleheenna Imaaraadka Carabta la qeybsaneynaa xanuunka iyo murugada ka dib geeridii ku timid Allaha u naxariistee  Sheikh Khaliifa Bin Zayid, madaxweynihii Imaaraadka Carabta oo geeriooday maanta oo Jimce ah”

“Anigoo ka ku hadlaya magaceyga iyo magaca Shacabka Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa qoyska marxuumka, dowladda Imaaraadka shacab iyo hoggaanba, Shucuubta Carabta iyo Islaamka, geerida Allaha u naxariistee Sheikh Khaliifa Bin Zayid oo ka mid ahaa haldoorka iyo hoggaanka Ummadda Carabta iyo Islaamka”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa marxuumka Alle uga baryay in uu naxariistii Janno ku manneysto, ehelkiisa, shacabka imaaraadka iyo guud ahaan ummadda Islaamkana Samir iyo iimaan ka siiyo.

Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta ayaa Maanta shaaca ka qaaday inuu geeriyooday Madaxweynihii dalkaas Sheikh Khalifa bin Zayed Al Nahyan. Sheekh Khalifa, oo ahaa 73 jir ayaa muddo sanado ah la xarbinayey xanuuno.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor