Ra’iisul Wasaare Rooble oo safarkiisii u horreeyay ugu ambabaxayo Kuwait

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Maanta la filayaa in safarkii ugu horreeyay uu ugu ambabaxo Magaalada Kuwait ee Caasimadda dalkaas.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Kuwait ayaa waxaa ku wehlin doona Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoona saacadaha soo socda ee Maanta ka ambabaxaya Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa tacsida Boqorkii dalka Kuwait Sabah Al Ahmad Al Sabah oo dhawaan dalka Mareykanka ku geeriyooday.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaan weli soo magacaabin Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumadda, hayeeshee waxaa la filayaa inuu ku dhawaaqo Golaha Cusub saacadaha soo socda.

Waa safarkii ugu horreeyay ee dalka uga dhoofayo Ra’iisul Wasaare Rooble tan iyo markii Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu 17-kii bishii September u magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media