HomeWararRa'iisul Wasaare Rooble oo Maanta kusii jeeda Kismaayo iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kusii jeeda Kismaayo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland. Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa ku wehlin doona sida uu qorshahu yahay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda, iyagoona […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay Maanta ku wajahan yihiin Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG-ka ah ee Maamulka Jubbaland.

Safarka Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa ku wehlin doona sida uu qorshahu yahay qaar kamid ah Golihiisa Wasiirada iyo xubno kale oo ka tirsan Dowladda, iyagoona la filayo in saacadaha soo socda ee Maanta gaaraan halkaas.

- Advertisement -

Ujeedka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay sii xoojinta dadaalada doorashooyinka dalka ka dhacaya, gaar ahaan sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira Gobolka Gedo.

Rooble ayaa kulan la qaadan doona Madaxweyaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe, isagoona kala hadli doona dardar-gelinta howlaha doorashooyinka, sidoo kalena waxaa uu la kulmi doonaa Rooble qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Qaban-qaabada lagu soo dhaweynayo Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa siweyn looga dareemayaa gudaha Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose, waxaana halkaas shalay gaaray wafdi horudhac u ah safarka Rooble.

- Advertisement -

Waa socdaalkii ugu horreeyay ee uu Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ku tegayo Jubbaland tan iyo markii loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaarenimo ee dalka.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts