Ra’iisul Wasaare Rooble oo Maanta kulamo xasaasi ah ka bilaabaya Garoowe

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo gelinkii dambe ee shalay gaaray Magaalada Garoowe ayaa Maanta oo sabti ah halkaas is rasmi ah uga bilaabi doono kulamo kala duwan oo qorsheysan.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Maanta kulanka ugu horreeya la qaadan doona Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni, kaasi oo noqon doona sida aan xogta ku helnay mid Albaabada u xiran yihiin.

Inta uu socdo kulanka ayaa waxaa looga hadli doonaa arrimo ay kamid yihiin Doorashada dalka ka dhaceysa, muranka ka taagan Guddiyada Doorashada ee la magacaabay iyo sidii loo xalin lahaa tabashooyinka Puntland ee dowladda Federaalka.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa kulan gaar ah la qaadan doona Xildhibaanada, Golaha Wasiirada iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Puntland, isagoo kala hadli doona sida uu qorshahu yahay arrimo kala duwan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa waxaa uu kulan kale la yeelan doonaa inta uu ku sugan yahay Magaalada Garoowe, qeybaha kala duwan ee Bulshada gaar ahaan Odayaasha iyo siyaasiyiinta, isagoo kala hadli doona Arrimaha doorashada dalka ee 2020/21.

Ma jirin wax kulan ah oo xalay ka dhacay Garoowe oo dhexmaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda, wafdiga la socday iyo Madaxda dowlad Goboleedka Puntland, iyadoona dhammaan kulamada Maanta ay bilaaban doonaan, sidan Dalsan loo xaqiijiyay.

Muran xoogan ayaa xiligaan ka taagan Doorashada Soomaaliya gaar ahaan Guddiyada la magacaabay, waxaana Guddiyada siweyn uga soo horjeeda Musharaxiinta Madaxweynaha iyo maamulada Puntland iyo Jubbaland, iyagoona sheegay inay doonayaan in Isbedel lagu sameeyo Guddiyada.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media