HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Rooble oo la filayo inuu ku dhawaaqo Golihiisa Wasiirada

Date:

Related stories

Soomaaliya oo Laga Dooday Mustaqbalka Garaadka Gacmeedka

Xarunta Garaad Gacmeedka Ummadda Soomaaliyeed oo Qabatay Kulan Dood-cilmiyeed...

Modi oo Bogaadiyay Kabtan Smit Machchhar

Ra’iisul Wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa ammaanay Kabtan Smit Machchhar, oo ahaa duuliyihii Flydubai ee dhaawacmay intii ay socotay dhacdo halis ah,

Waxaa xalay mar kale Xarunta Madaxtooyada dalka kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka. Kulankaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay soo magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Waxaa xalay mar kale Xarunta Madaxtooyada dalka kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Kulankaas oo saacado dhowr ah qaatay ayaa waxaa looga hadlay soo magacaabista Golaha Wasiirada cusub ee Xukuumadda oo weli aan la magacaabin tan iyo markii Xildhibaanada Golaha Shacabka Codka kalsoonida ah siiyeen Maxamed Rooble.

- Advertisement -

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada ayaa sheegaya inay u badan tahay in Maanta oo Sabti ah lagu dhawaaqo xubnaha Golaha Wasiiradda ee Ra’iisul Wasaare Rooble, isla markaana ay socdaan qorshayaashii ugu dambeeyay ee loogu dhawaaqayo Golaha.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in suura-gal ay tahay in 50% xubnaha qaar ee Xukuumaddii Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Xasan Cali Kheyre ay soo laaban doonaan, in kastoo aan si rasmi ah ah loo ogeyn xubnaha soo laabanaya.

Waxaa labadii maalmood ee la soo dhaafay taagnaa dood ka taagneyd xubnaha ka soo jeeda Koofur Galbeed ee ka mid noqonaya Golaha Wasiiradda Cusub, waxaana si gaar ah arrintaas isugu hayay Guddoomiye Mursal iyo Madaxweynaha Koofur Galbeed.

- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa wada latashiyadii ugu dambeeyay ee uu kusoo magacaabayo Golihiisa Wasiirada cusub, isagoona horey u balan qaaday inuu soo dhisi doono Xukuumad ka qeyb qaatada hanaanka Doorashada dalka.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts