Ra’iisul Wasaare Rooble oo kulan la qaatay Danjirayaal

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar, kuwaasi oo uu kala hadlay xiriirrka ay Soomaaliya la leedaahy dalalkooda.

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya  Maxamed Xuseen Rooble ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjireyaasha dalalka Turkiga iyo Qatar Mohmet Yelmez iyo Hassan Hamza oo ay ka wada hadleen sii xoojinta xiriirka labada dal kala dhexeeya Soomaaliya.

Dalalka Qatar iyo Turkiga ayaa Soomaaliya galaan-gal badan ku leh, waxaana ay ka mid yihiin dalalka Soomaaliya sida gaarka h u taagera, iyadoo xiriirkoodu uu yahay mid aad u wanaagsan.

Comments
Loading...