HomeWararRa’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Ra’iisul Wasaare Rooble oo ku wajahan Magaalada Baydhabo iyo ujeedkiisa

Date:

Related stories

Muqdisho oo Lagu Qabtay Madasha Amniga Internetka

Muqdisho waxaa ka furmay Madasha 4-aad ee Amniga Internet-ka Soomaaliya, oo ay soo qabanqaabiyeen NCA iyo Jaamacadda Muqdisho,

Soomaaliya oo Sheegtay in 55% Dhulkii AS Dib Loo Qabsaday

La-taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Aweys Xaaji Yuusuf Axmed, ayaa madasha Global Security Forum 2026 ee Doha ka sheegay in dowladda dib ula wareegtay in ka badan 55%

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed. Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda […]

- Advertisement -
- Advertisement -

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta waxaa ay ku wajahan yihiin Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Koonfur Galbeed.

Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Baydhabo ayaa waxaa ku wehlin doona xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada iyo Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Federaalka, iyagoo saacadaha soo socda tegi doona halkaas.

- Advertisement -

Ujeedka safarkiisa ayaa la xiriira arrimaha doorashooyinka, inkastoo muran weyn uu ka taagan yahay dhismaha Guddiyada doorashooyinka ee Xukuumadda Federaalka ay magacaawday, kaasoo ay ka soo horjeesteen Musharaxiinta mucaaradka.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay ayaa waxaa ka socota qaban-qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdiga la socda, waxaana meelaha qaar lagu xad-dhafay Sawiradda Rooble.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Ra’iisul Wasaaraha Federaalka Soomaaliya Maxamed Rooble uu ku tegayo gudaha dalka gaar ahaan Baydhabo tan iyo markii bishii September loo magacaabay xilka Ra’iisul Wasaaraha.

- Advertisement -

Ammaanka guud ee Magaalada Baydhabo ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana suura-gal ah in halkaas ay wafdi hordhac u ah safarka RW Rooble iyo Ilaaladiisa gaarka ah si loo xaqiijinayo sugiga amniga Magaalada.

Bilan Media
Bilan Mediahttps://www.bilan.media
Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

Latest stories

The Somali girls stepping into the boxing ring – and challenging tradition. MOGADISHU, Somalia

In a small training hall in Mogadishu’s Waaberi district,...

Bruno Guimarães on the Verge of Completing Arsenal Move

Arsenal appear to be on the verge of signing...

Arsenal Intensify Pursuit of Vinícius Júnior with Arteta’s Major Promise

Arsenal are intensifying their pursuit of Vinícius Júnior, with Arteta promising he will be the centerpiece of the project.

Recent Posts