Ra’iisul Wasaare Rooble oo Baaq u diray Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay habka loo xulayo Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada labada Aqal Baarlamaanka Federaalka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa waxaa uu sheegay in Liiska Musharaxiinta Xildhibaanada Somaliland ay soo xulayaan Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Guuleed iyo Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi.

Waxaa uu xusay Ra’iisul Wasaaraha inuu isaga ka hubinayo Liiska Musharaxiinta ay soo saaran Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, isla markaana Carabka ku dhuftay inuu diyaar u yahay la shaqeynta labada Mas’uul oo ay u siman yihiin.

Maxamed Xuseen Rooble ayaa Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka iyo Guddoomiyaha Aqalka Sare ka dalbaday inay ka shaqeyaan, horumarinta iyo Is-aaminaada, ayna doorashada labada Aqal ee Somaliland ku dhacdo si cadaalad ah.

Isaga oo sii hadlaayay Ra’iisul Wasaaraha ayuu tilmaamay in Xildhibaanada labada Aqal ee Somaliland ay dooranayaan 46 xubnood oo kala ah 23 Odayaasha dhaqanka ee kasoo jeeda Gobolada Waqooyi iyo 23 ka imaaneysa qeybaha Bulshada.

Ugu dambeyn Rooble ayaa caddeeyay inuu si cadaalad u koontarooli doono doorashooyinka Somaliland, isla markaana xusay in Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed looga baahan yahay ka shaqeynta cadaalada.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor