Ra’iisul Wasaare Kheyre oo xalay la kulmay Masuuliyiin ka tirsan Jubbaland

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali kheyre oo weli ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xalay kulamo kala duwan waxa uu la qaatay masuuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan.

Wafdiga ra’iisul Wasaaraha iyo Xubnaha Golaha Wasiirada iyo Masuuliyiinta Jubbaland ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dowladda Soomaalia iyo kan Maamulka Jubbaland islamarkaana Bulshada Jubbaland dhankooda ay dowladda la Shaqeeyaan.

Sidoo kale Maanta ayaa la filayaa in ay kulamo kala duwan Kismaayo kula qaataan Masuuliyiin kale oo ka tirsan Jubbaland iyo Bulshada qaarkood ugu dambeena ay dib ugu soo laabtaan Magaalada Caasimadda ah Muqdisho.

Sikastaba ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa intii uu ku sugnaa Magaalada Kismaayo waxa uu kormeer ku tegay dekadda weyn ee Kismaayo,iyo Xarumo badan oo muhiim ah oo ku yaala Magaalada Kismaayo,kahor inta uusan ka qeybgelin Shirka Golaha Wasiirada Soomaaliya

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media