Ra’iisul Wasaare Kheyre oo si kulul uga hadlay Gadoodka Ciidamada

Ra’iisul-Wasaaraha Xukuumadda Fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa mar kale ka hadlay gadoodka ay sameeyeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo soo baneeyay deegaano ka tirsan labada Shabelle.

R’iisul-Wasaaraha ayaa ciidamada gadoodka sameeyay ku tilmaamay kuwa uu yaryahay dulqaadkoodana isala markaan sugi waayay inta ay socoto diiwaangelinta ciidamada si loo ogaado tirada rasmiga ah ee ciidanka xoogga dalka.

Dhinaca kalana waxa uu tilmaamay u jeedada laga leeyahay diiwaangelinta ciidamada in ay tahay in dad loogu dhiibo mushaardkooda taas oo sababi karta in la maran habaabiyo xuquuqda Askarta.

Ugu dambayntii waxa uu sheegay ciidamada ka cabanaya Mushaar la’aanta mudada labada bil ah in ay soo martay iyaga oo 9-bil aan qaadan mushaarmushaar,waxaana uu yiri xiligaas maxay u gadoodi waayeen.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media