Ra’iisul Wasaare Kheyre oo kusii jeeda Magaalada Dhuusamareeb

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta la filayaa inay gaaran Magaalada Dhuusamareeb Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug.

Garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ayaa waxaa ka socoto qabanqaabada lagu soo dhaweeynayo Ra’iisul Wasaare Kheyre oo saacadaha soo socoda lagu wado inuu halkaas gaaro.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa lagu wadaa in dhawaan Dhuusamareeb uu ka daahfuro Shirweynaha dib u heshiisiinta Galmudug,kaasi oo ay ka qeyb galayaan inta badan Ergooyin kala duwan oo ka socda beelaha degan Galmudug.

Ammaanka Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda dowlad Goboleedka Galmudug ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay,isla markaana waxaa si wada jir uga sugaya amniga Ciidamo ka tisan dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhawaan halkaas la geeyay.

Sidoo kale Inta uu ku sugan yahay Xasan Cali Kheyre alkaas ayaa waxaa uu kulamo kala la qaadan doonaa Mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo xubno kamid ah Madaxda Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media