Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ku wajahan Magaalada Garoowe

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah waxaa laga dareemayaa qaban qaabada soo dhaweynta Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedraalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

U jeedada safarka ra’iisul wasaaraha ayaa salka ku heysa ka qeyb galka aaska qaran ee loo sameynayo allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda fedraalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka ayaa garoonka Aadan Cadde Salaadda Janaasada kula dukanaya Meydka allaha u naxariistee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media