Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Kormeer ku tegay dhowr Wasaaradood

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre oo xalay dalka dib ugu soo laabtay, ayaa maanta kormeeray xarumaha wasaradda Warfaafinta, Haweenka , Kalluumeysiga, ganacsiga, Beeraha xanaanada xoolaha iyo Beeraha.

Kormeerka ayaa qayb ka ah hawlaha lagula soconayo hanaanka hir-gelinta qorshayaasha hor-tebinta leh ee wasaaraha xukuumadda iyo hay’adaha kale ee dawladda ay ku leeyihiin tubaha qaranka iyo sare u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta iyo daah-furnaanta.

Ra’iisul Wasaaraha oo wasaaradaha uu kormeeray ugu tegay howl-wadeenno ku jira shaqooyinka qaranka, ayaa ka xog wareystay xaaladda shaqo, waxuuna ku dhiirri geliyay inay laba jibbaaraan shaqooyinka ay ku gudanayaan waajibaadka ka saaran horumarinta iyo soo celinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media