Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyeeyay geerida Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cadde oo ku geeriyooday Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa tacsi u diray qoyska iyo ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Nuur Cadde oo saakay u dhintay Cudurka halista ah ee Coronavirus.
Xasan Cali Kheyre ayaa Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Alle uga baryay inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, eheladiisana samir iyo iimaan ka siiyo.
“Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed iyo qoyska uu ka baxay Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka marxuum, Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) oo ku geeriyooday London. Waxaan Alle uga baryayaa inuu naxariistiisa Janno ka waraabiyo, ehelkana uu samir iyo iimaan ka siiyo” ayuu yiri RW Kheyre.