Ra’iisul Wasaare Kheyre oo ka hadlay Geeridii ku timid Xildhibaan Boqore

Dabley hubeysan ayaa gudaha Magaalada Muqdisho ku dilay Allaha u naxariistee Xildhibaan Cismaan Cilmi Boqore oo ka tirsanaa Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa ka tacsiyadeeyay geeridii ku timid Alle ha u naxariistii Xildhibaan Cismaan Cilmi boqore oo kooxo hubeysan ay ku dileen Muqdisho.

Ra’iisal wasaare Kheyre ayaa uga tacsiyadeeyay Qoyskii,Qaraabadii,Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliyeed oo uu ka baxay Xildhibaanka,isagoona Alle uga baryay inuu Janadii fardowso ka waraabiyo marxumka,Qoyskii iyo Qarankii uu ka baxayna samir iyo iimaan Alle ka siiyo.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media