Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray Kismaayo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Goordhow gaaray Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland,iyadoo halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyay.

Wafdiga la socda Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa kamid ah xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda iyo Mas’uul kale oo ka dowlada,waxaana Garoonka diyaaradaha Kismaayo ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Saraakiil Ciidan iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan halkaasi.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa inta uu halkaasi ku sugan waxa uu kulamo kala duwan la qaadan doonaa Madaxda ugu sareysa maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo xubno kale oo ka tirsan maamulkaas.

Ammaanka guud ee Magaalada Kismaayo ayaa saakay aad loo adkeeyay,waxaana la xiray inta badan Wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxa Xarunta Madaxtooyadda,waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidamada Koonfi Casta,AMISOM iyo kuwa maamulka Jubbaland.

 

Filo Goordhow Sawirro iyo waxbixin kale oo ku saabsan Safarka Ra’iisul Wasaare Kheyre ee Magaalada Kismaayo.

 

         

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media