Ra’iisul Wasaare Kheyre oo gaaray baydhabo iyo ujeedka oo la shaaciyey

Magalada baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa gaaray Wafdi uu hogaaminayey Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre.

Wafdiga waxaa Garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Maamulka koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed.

Ujeedka safarka Ra’iisul Wasaare kheyre ee Magalada Baydhabo ayaa waxaa lagu sheegay inuu ka qeyb geli doono tacsida iyo aaska Hooyada Gudoomiyaha Baarlamaanka Somaliya oo shalay geeriyootay.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa hooyada hashay waxa ay shalay ku geeriyootay Magaalada Baydhabo waxaana lagu wadaa in Maanta.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor