Ra’iisul Wasaare Kheyre oo balan qaad u sameeyay Ganacsatada Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS) mudane Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Dhuusamareeb kula kulmay Ganacsatada ka soo jeeda deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo ganacsatada ayaa looga hadlay arrimaha nabadeynta iyo dhismaha dowlad gobaleedka Galmudug dhammaystiran, loo dhanyahay kana shaqeysa danaha reer Galmudug.

Ganacsatada ayaa Ra’iisul Wasaaraha u ballan qaaday in ay qaadanayaan dowrka uga aaddan Nabadeynta, Dhismaha iyo Horumarinta dowlad gobaleedka Galmudug.

Kulanka ayaa qayb ka ahaa kulamo wadatashi ah oo Ra’iisul Wasaaraha dalka uu deegaannada dowlad gobaleedka Galmudug kula yeelanayay qaybaha kala duwan ee bulshada si looga shaqeeyo dhismaha iyo dhammaystirka hey’adaha dowladeed ee Galmudug.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media