Ra’iisul Wasaare Kheyre oo Amiirka Qatar kala hadlay Arrimo kala duwan

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa kulan kula qaatay Amiirka Qatar, Tamim bin Hamad Al Than.

Kulanka dhex maray Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Khayre iyo Amiir Tamim bin Hamad Al Than ayaa looga hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga laba geesoodka ah labada dowladood iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Amiirka ayaa sidoo kale isla soo hadal qaaday horumarka ay dowladda Soomaaliyeed ku tillaabsatay sedaxdii sano ee lasoo dhaafay iyo sida guulaha laga gaaray isbedelladii la sameeyay ay dalka ugu soo jeedinayaan indhaha maal gashadayaasha caalamka oo Soomaaliya u akra dal ay ka jirto fursad wanaagsan oo ka dhalatay isbedelka guud.

Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa leh xariir soo jireen ah oo qota dheer iyo iskaashi ganacsi, amni iyo dhaqaale, waxaana dowladda Qatar ay Soomaaliya ka fulisaa mashaariic horumarineed oo looga qayb qaadanayo dib u soo kabashada dalka.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media