Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweynaha Kenya oo kulan yeelanaya

Barqanimadii maanta ayaa Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre waxaa siweyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Wararka aan heleyno ayaa waxa ay sheegayaan in booqashadaas ay salka ku heyso,kadib markii uu casuumaad ka helay Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta.

Ra’iisul wasaaraha dawladda federaalka Soomaaliya iyo madaxwaynaha Kenya ayaa yeelanaya kulan ay uga wada hadlayaan adkaynta xiriirka Labada Dowladood iyo ballaarinta iskaashiga dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo xariirka istaraatiijiyadeed ee labada dawladood.

Hadaba natiijada kasoo baxda kulankaas labada masuul kala socda Radiodalsan.com

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor