Ra’iisul Wasaare Khayre oo la kulmay Ambassador Smail Chergui

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Amniga iyo Nabadda Midawga Afrika, Ambassador Smail Chergui.

Ra’iisul wasaare Khayre iyo Ambassador Smail Chergui ayaa ka wada hadlay dardar-gelinta hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya, dagaalka ka dhanka ah kooxaha loogu yeero argagaxisada ah iyo diyaar garowga loogu jiro qorshaha mas’uuliyadda amniga ay kula wareegayso dawladda Soomaaliya.

Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay sii wadidda taageerada dhanka amniga ah ee midawga Afrika ay siiyaan Soomaaliya.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor