Ra’iiul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa la filayaa inay duhurnimada maanta booqasho ku tagaan caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyadh.
Wafdigaasi waxaa qeyb ka ah Wasiiradda Arrimaha Dibedda, Maaliyada, Qorsheynta Dhaqaalaha, Beeraha, Maalgashiga Caalamiga, Wasiirka Arrimaha Golaha Xukuumadda, Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka iyo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe ee dalkaasi.
RW Xamduuk waxaa jadwalka safarkiisa ka mid ah inuu kulamo la yeesho Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salmaan (MBS) iyo Ma’uuliyiin kale, halka Wafdigiisa Wasiirada ay kulamo la yeelan doonaan dhigooda Sacuudiga.
Madaxda Labada dhinac waxay isla gorfeyn doonaan Xiriirka Taariikhiga ee labadooda dal iyo sidii loo xoojin lahaa Iskaashiga dhinacyada Ammaanka iyo Deganaanshaha labadooda Waddan ee walaalaha ah.
RW Sudan waxaa la sheegay inuu Sacuudiga ka dalban doono inay kordhiyaan Taageeradda Dhaqaale iyo midda Farsamo ee ay Sudan siiyaan, inkastoo uu dhaqaalaha Sacuudiga beryahan saamayn ku yeeshay Duqeymaha Kooxda Xuutiyiinta Yemen ku hayaan Xarumaha Shidaalka ee halbowlaha u ah Dhaqaalaha dalkaasi.