RW Soomaaliya oo Kenya ugu yeeray iney dib u dhigto xeritaanka xerada Dhadhaab

Wargeyska Dailynation ee dalka Kenya ka soo baxa ayaa maanta qoray in ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid cali Sharmaarke uu dowlada Kenya ugu yeeray iney muddo 3 sanno ku darto waqtiga ay xireyso xerada Dhadhaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa u sheegay wargeyska The Washington Post iney doonayan in qaxootiga Soomaalida ay dib u soo laabtan balse ay Kenya ka doonayan in fursad loo siiyo qaxootiga ilaa iyo 2019 iney ku soo laabtan.

Waxa uu sheegay in qaxootiga aan la iska soo celin karin iyaga oo aysan wax kale jirin balse loo baahan yahay wadada lagu soo celiyo.

Mudane Sharmaarke ayaa sheegay in dowlada Soomaaliya ay imminka isku dayayso iney Kenya ku qanciso in muddo ku darto waqtiga la xirayo xerooyinka Dhadhaab iyo Kakuma.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa beeniyay in Weerarkii jaamacada Gaarisa laga soo abaabulay xerada Dhadhaab oo ay ku nool yihiin Soomaali ka badan 130 kun oo qof.

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor