Ra’iisul Wasaaraha Somalia oo amar siiyay Wasiirka Gaashaandhiga & Taliyeyaasha Ciidamada

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, oo maanta saraakiisha ciidanka xoogga dalka kula hadlay xarunta wasaaradda difaaca dalka iyo taliska ciidanka xoogga, ayaa amar ku bixiyay in la dardar geliyo qorshaha dib-u-dhiska ciidanka iyo dib-u-xoreynta deegaannada ay dalka uga sugan yihiin Al-Shabaab.

Ra’iisul wasaaraha ayaa ku celiyay in dawladda Soomaaliya ay garab taagan tahay ciidanka xoogga dalka ayna u dhamaystirayso dhammaan agabka ay u baahanyihiin si ay gacanta ugu dhigaan dalka oo dhan loona soo af-jaro dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Al-Shabaab  ay ka been sheegayaan diinta, diinteennuna aysan ogolayn in caruur la dilo ama qarax lagu soo xiro, waxa uuna intaa raaciyay in hadii ay dhab ka tahay diinta ay sheegayaan ay iyagu is qarxin lahaayeen ama caruurtoodda ay qaraxyada u adeegsan lahaayeen waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ciidanka qaranka Soomaaliyeed ku ammaanay dawrkooda iyo kaalinta ay uga jiraan ilaalinta sharafta iyo karaamada ummadda Soomaaliyeed maadaama ay iyagu yihiin cidda kaliya ee dhiigeeda ku bixisay ilaalinta calanka iyo ciida Soomaaliyeed.

Wasiirka difaaca iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka oo munaasabadda joogay ayuu ra’iisul wasaaruhu faray in tayenta ciidanka iyo isla xisaabtanka muhiimmad gaar ah la siiyo, isaga oo saraakiisha kale ee ciidanka usoo jeediyay in ay gutaan mas’uuliyadda ka saaran wiilasha iyo gabdhaha ciidanka ah ee soo go’aansaday in dhiigooda u huraan badbaadinta qarannimada, habeen iyo maalinna u taagan.

 

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor