Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban oo la kulmay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay Magaalada Muqdisho kulan kulan qaatay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka iyo Mas’uuliyiinta Beelaha Hawiye.

Kulanka ayaa waxaa uu ahaa mid ku saabsan taageerida Ra’iisul Wasaaraha iyo sidii codka kalsoonida uga heli lahaa Baarlamaanka, waxaa kulankan ka qeyb galay Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabelle Cali Guudlaawe.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Rooble ayaa dadaal ugu jira kasbashada Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo sidii kalsoonida u siin lahaayeen, waxaana la qorsheeynayaa in todobaadkaan uu hortego Baarlamaanka.

Maxamed Rooble ayaa horey kulan ula qaatay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, ku-xigeenkiisa koowad Cabdiweli Muudey, Xildhibaano iyo Wasiiro, iyadoo kulamadaas ay ahaayeen kuwo Is-barasho ah.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media