Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii uu hogaaminayay oo ballan qaad nabadeed ka helay Maamulka Galmudug

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmaarke iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayo oo howlo nabadeyn ah u jooga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa ballan qaadyo iyo aqbalaad nabadeed ka helay dhanka maamulka Galmudug, waxaana lagu wadaa inuu kulan la qaato hogaanka Puntland si loo guda galo xalinta khilaafka gacan ka hadalka dhaliyay ee magaalada Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa kulan kula yeeshay magaalada Gaalkacyo madaxweynaha Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed, waxaana la isla qaatay dhamaamba qodobadii ay ka wadhadleen, kuwaasoo kala ahaa, in la dhaqangaliyo Xabad joojin rasmi ah, in ciidamada is horfadhiya la kala qaado, in dadkii barakacay fursad loo siiyo inay dib u soo laabtaan iyo in la dhiso guddi wadahadal.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay maamulka Galmudug soo dhoweynta iyo aqbalaada waan waanta, waxaana sidoo kale ra”iisul wasaaraha lagu sharfay in lagu wareejiyo ciidamo lagu qabtay dagaalkii Gaalkacyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in loo baahan yahay in si wadajir ah loo qaato waan waanta dagaalka Gaalkacyo oo geystay qasaaro naf iyo maalba leh, wuxuuna carabka ku adkeeyey in loo baahan yahay in dhinacyadu u hogaansamaan heshiis kasta oo lagu gaaro miiska wadahadalka, si xal waara loogu helo khilaafka dhaliyay gacan ka hadalka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa ku wehlinaya socdaalkiisan nabadeed Wasiiro ay ka mid yihiin Wasiirka Arrimaha Gudaha, Wasiirka cadaalada, Wasiir kuxigeeno, Xildhibaano iyo taliaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana la filayaa in saacadaha soo scoda uu la kulmo hogaamiyeyaasha maamulka iyo dhaqanka ee Puntland.

Waxaana saakayto lagu wadaa inay dhacaan Shirar kale oo lagu adkeynayo Heshiiska Nabadda Gaalkacayo, iyadoo uu Ra’isul-wasaaraha kulamo kale la yeelanayo dhinacyadda ay khuseyso Ammaanka iyo Nabadda Gaalkacayo.

RW GAALKACAYO 1

RW GK 2

RW GK3 RW GK5 RW GK4

—-DHAMMAAD—-

Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Somalia
[email protected]
Twitter: @SomaliPM

About Dalsan Editor

View all posts by Dalsan Editor