Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy oo Booqasho ku tegaya Kenya

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa waxaa la filayaa in maalinta berri inuu booqasho rasmi ah ku tego dalka Kenya, taasi oo sida uu qarshahu yahay qaadan doona muddo laba maalmood ah.

Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa la filayaa inuu kulan la qaato Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta, waxaana kulankaas uu ka dhici doonaa Magaalada Moyale ee ku taal xadka Kenya iyo Itoobiya.

Markii u dambeysay ee Abiy uu Kenya tago waxay aheyd sanadkii hore bishii Maarso 2019, xilligaasoo isaga iyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ay wadajir diyaarad uga  raaceen Magaalada Addis Ababa, kana degay Nairobi.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa xiligii uu tegayay Kenya aheyd markii labada dal Soomaaliya iyo Kenya xiriirkooda xumaaday,  kaddib markii Kenya Safiirkeeda u yeeratay, halka Safiirkii Soomaaliya ku amartay inuu dalkiisa dib ugu laabtay.

Booqashada Abiy ee Kenya ayaa ku soo aaday iyadoo mar kale uu xumaaday xiriirka Soomaaliya iyo Kenya, isla markaana dowladda Soomaaliya ay ka qaaday tallaabo la mid ah tii ay qaaday Kenya sanadkii hore ee 2019.

About Bilan Media

Bilan is Somalia’s first ever all-women media team. Staffed and run entirely by women with full editorial independence, the unit covers hard news and in-depth features, holding leaders to account and making sure the media represents all citizens, men and women, weak and powerful, rich and poor.

View all posts by Bilan Media